Friday, June 27, 2025

Faahfaahin: Weerar Alshabaab ku qaaday Koontarool Ciidan oo ku dhow Degmada Balcad & Qasaare ka dhashay

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii salaadii subax kadib ay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab weerar ku qaadeen Bar ciidan oo ku taalla duleedka magaalada.

Weerarka oo ahaa mid kedis ah ayaa qabsaday ciidamadii dowladda ee bartaasi ku sugnaa, waxayna Alshabaab oo war kasoo saartay sheegatay inay ku dishay 3 askari, hubkoodiina ay ka qaateen, iyadoo ay dib uga laabteen dableydii weerarka qaaday.

Dadka degaanka ayaa sheegay in weerarka oo socday muddo 15 daqiiqo ah lagu dilay laba askari iyo nin shacab ah oo magaciisa lagu sheegay Axmed Ganeey, kaasoo ka tirsan dadka degaanka, iyadoo aanay ciidamada dowladda helin wax gurmad ah.

Weerarka Alshabaab ayaa imaanaya iyadoo ay dhowaan weerar kale ku qaadeen saldhigga ciidamada ee Hiilweyne, halkaasoo ay ku dileen 5 qof, mana jiraan wax War ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON