Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Xerooyinka Imaaraadka & Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar madaafiic hoobieyeyaal ah oo maanta lagu qaaday xerooyin ku yaala magaalada Muqdisho.

Madaafiicda Hoobiyeyaasha ayaa lagu weeraray xerooyinka Jaalle Siyaad iyo xero ay maamulaan Imaaraadka Carabta oo ku dhow halkaasi.

Waxaa la soo weriyey in ilaa shan madfac ay ku dhaceen Xerada Jaalle Siyaad oo ka mida xerooyinka ciidamada dowladda Soomaaliya, waxay kaloo ku  habsadeen agagaarka xerada Imaaraadka maamulaan.

Hoobiyeyasha ayaa qaarkood ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Hodon, waxaana la sjeehay in ciidamada NISA ay dad ka soo qabteen xaafadda Baar Ubax oo lagu tuhmay in mafaafiicda laga riday.

Lama soo werin wax qasaare ay geysteen madaafiicda oo ruxay degaankaasi maanta, waana weerarkii ugu horeeyay ee dhowaanahan lagu qaado xerooyinka waaweyn ee milateriga oo ku yaalla jidka Warshada degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON