Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin weeraro Alshabaab ku qaaday Hotelka Weheliye & Siyaad ee magaalada Muqdisho

Weeraro caawa afurkii lagu qaaday hoteelada Weheliye iyo Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahi dheeraad ah ka soo baxeysaa iyadoo goor dhoweyd la soo afjaray weerarkii Hotelka Weheliye markii ay gudaha u galeen ciidamada Nabadsugidda oo dilay dhamaan dableydii weerarka ku qaaday.

An ambulance arrives at the scene of an explosion at the gate of Wehliya Hotel in Somalia's capital Mogadishu, July 10, 2015. REUTERS/Feisal Omar
An ambulance arrives at the scene of an explosion at the gate of Wehliya Hotel in Somalia’s capital Mogadishu, July 10, 2015. REUTERS/Feisal Omar

Qasaaraha ka dhacay hotelka Weheliye ayaa la sheegay in 5 qof lagu dilay in ka badan 11 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dadka dhaawacmay ay ku jiraan dad ka booday daaqadaha hotelka, iyadoo dhaawacyada loo daadgureeyay Isbitaalada Muqdisho.

Hotelka Siyaad ee ku dhow Madaxtooyada ayaa weli rasaas ka socotaa iyadoo gudaha ugu jiraan dableyda Alshabaab ee weerarka soo qaaday, waxaana labada weerarba loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay albaabka hotelaada.

Ciidamada Nabad sugidda ayaa sheegaya inay sidoo kale soo afjareen weerarkii hotelka Siyaad oo dadka ku dhintayna ay dhammaantood yihiin kuwii weerarka soo qaaday oo kaliya sida lagu sheegay war kooban oo NISA ka soo baxay.

Dhinaca kale dabley Alshabaab ah ayaa iyaduna weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday Garoonka ciyaaraha Stadio Muqdisho iyadoo uu ahaa mid dhacay weerarka hoteelada ka hor, lamana sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON