Sawiradii ugu horeeyay Wiil 8 sano jir ah oo Soomaali ah, kuna dhintay weerar habeen hore lagu qaaday guri ay qoyskiisu ku sugnaayeen dalka Sweden ayaa la shaaciyay.
Wiilkan oo lagu magacaabo Yuusuf C/waaxid Warsame waxay qoyskiisu degan yihiin dalka UK, laakiin waxay fasax ku joogeen magaalada Gothenburg, gaar ahaan degmada Biskopsgården. Shilka ayaa dhacay markii qof aan la garaneyn uu waxyaabo qarxa looga soo tuuray dariishada Gurigii ay jiifeen.
Yuusuf wuxuu ahaa arday dhigta Dugsiga hoose ee Nelson Mandela ee Sparkhill, magaalada Bringham ee dalka Ingiriiska.
Guriga weerarka lagu qaaday waxaa kaloo ku sugnaa hooyadiis, walaashiis iyo wiil kale oo la dhashay, sida uu sheegay Yuusuf aabihiis Cabdiwaaxid Warsame waxay ahayd arrin nasiib ah in dadkii kale ee guriga ku jiray ay ka badbaadaan bamka lagu weeraray.
Yuusuf C/waaxid Warsame oo ah wiilka ku dhintay qaraxa lagu weeraray qoyska Soomaaliga ah wuxuu ku dhashay magalada Birmingham marmkii qoyskiisa oo dhalashada Holland heysta ay u guureen degaanka Sparkhill sanadkii 2001.
Yuusuf aabihii wuxuu leeyahay goob ganacsi oo lagu magacaabo Tawfiq Halal Meat and Grocery Shop oo wadadda Whitmore ee Brigham ku taala.
Booliska Sweden ayaa sheegay in Yuusuf dhaawacyo halis ah gaaren, kadibna uu ku dhintay Isbtiaalka. Weerarka ayay ku sheegeen Booliska inuu ahaa mid ku dhisan naceyb ayna baarayaan xiriir uu la leeyahay toogasho ka dhacday isla magaaladaasi Gottenberg.
Afhayeenka Booliska Gothenburg Thomas Fuxborg ayaa warbaahinta u sheegay in dilka wiilka yar ay tahay dembi khaarijin ah oo uu geystay qof dibadda guriga ku sugnaa, ayna baaritaan ku wadaan.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com