Saturday, July 5, 2025

Faahfaahintii ugu danbeysay ee Diyaaradda ku dhacday duleedka Muqdisho (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan diyaaradii ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho ee waqooyiga Carbiska kadib markii xalay ay cilad ku timid oo lugaha u bixi waayeen. Diyaaraddan waxaa laga leeyahay dalka Masar, waxayna u kireysneyd shirkad Brngraf oo qandaraas ku heysata Raashinka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Waxaa diyaarada la socday 7 ruux oo shaqaalaha iyo duuliyeyaashii diyaaradda ah, waxaana dhaawac soo gaaray laba kamida shaqaalaha iyadoo intii kale ay badqabeen, waxayna ku dejiyeen meel bannaan oo qasaaraha yareysay.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa isku xeeray xalay ilaa saaka goobta diyaaradda ku dhacday, waxaana saaka xiran degaankaasi iyadoo la daadgureynayo shinxadii saarneyd.

Qasaaraha diyaarada ayaa ah mid dhexe oo baalaha iyo dhinaca hoose saameeyay, waxaana laga deyrinayaa in dib loo howlgelin karo.


SAWIRRO

afgoye crash2

afgoye crash

afgoye crash1

DSC07327

DSC07328

DSC07329

DSC07330

DSC07331

DSC07332

DSC07333

DSC07334

DSC07335

DSC07336

DSC07337

DSC07338

DSC07339

DSC07340

DSC07341

DSC07343

DSC07344

DSC07346

DSC07348

DSC07349

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON