Monday, July 14, 2025

Faarax Sh. C/qaadir oo dhex galay dacwad halis ah [Dacwad ka taagan Markab magaciisa lagu kireeyay]

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mida xildhibaanada Soomaaliya, horena u soo noqday wasiir, kana mida saaxiibada ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku lug yeeshay fadeexad ka taagan Markab tuhun weyn laga qabo oo mucaawimo u siday dalka Yeman, kaasoo la sheegay inuu kireystay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa shaacisay dacwad uu xeer ilaalinta Soomaaliya u qortay xildhibaanka oo uu ku sheegay in magaciisa si been abuur ah loogu isticmaalay in lagu kireeyo Markab Shixnad lagu sheegay Gargaar Biniaadannimo oo ku socotay Magaalada Xudayda ee Wadanka Yemen taas oo lagu sheegay inay gaarsiinaysay Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo lagu sheegay inuu ka diiwaan gashan yahay dalka Kenya

Xildhibaanka ayaa qoraalka Markabku wato ku qoran inuu ka mid yahay Aaas-aasayaasha Hay’adda Islamic  Charity Foundaton, laakiin dacwadda uu qortay Faarax Sheekh C/qaadir ayuu ku sheegay inaysan  jirin Hay’addaas, wuxuuna ku dooday in ujeedada laga leeyahay adeegsiga magaciisa iyo isticmaalka warqadihiisa aqoonsiga ay tahay fal lagu doonayo in lagu magac dilo laguna dhaawaco sumcadiisa.

Markabka uu sheegay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir inuusan waxba kala socon arrintiisa ayaa la sheegay lagu magacaabo MV-LIBERTY, laguna qabtay Dalka Jabuuti, iyadoo baaris ay ay ku socoto, waxaana laga soo celiyay  magaalada Xudeyda ee dalka Yeman.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo hore ula soo shaqeeyay Hay’adaha samafalka islaamka, isla markaana deganaa dalka Kenya ayaan la ogeyn lugta uu arrintan ku leeyahay, waxaaan dacwadda uu qortay ay u baahan tahay baaritaan dheeraad ah iyo xaqiiji.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON