Taliyihii ciidamada ilaalada Baarlamaanka ee booliska ayaa xilkii laga xayuubiyay iyadoo loo magacaabay taliye cusub xili xaalad kacsan oo xasaasi ah ay ka taagan tahay Baarlamaanka Soomaaliya oo mooshin muran badan dhaliyay uu horyaallo.
Taliyaha xilka laga qaaday oo lagu magacaabo G/SARE XASAN JAAMAC GUULLED (ABOOR) ayay wararku sheegayaan inuu kasoo jeedo jufada Ra’iisal wasaaraha, waxaana la sheegay inuu xilkiisa u gudanayay si xilkasnimo leh lamana oga sababta xilka looga qaaday taliyahani, marka laga reebo inuu jiro qorshe qarsoon oo laga damacsan yahay Baarlamaanka. (HALKAN KA AKHRI QORSHAHAASI)
Qoraal kasoo baxay kusimaha Taliyaha Booliska oo ay isku jufo yihiin madaxweynaha Gen. Cusmaan Cumar Weheliye (Gasgas) ayaa xilka loogu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo G/LE QAASIN XASAN FIIDOW. Taliyaha cusub oo aan la shaacin sababta loogu baahday ayaa wararku xaqiijinayaan inay isku jufo yihiin madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud; waxaana magacaabidiisa ka dambeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan oo xaalad caadi ah marka ay dhacdo aam wax muhiimad ah lahayn ayaa iminka noqoneysa fadeexad weyn, maadama ay jirto xaalad aad u kacsan oo siyaasadeed, isla markaana uu soo shaac baxay qorshe lagu doonayo in mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha awood lagu meel mariyo sida ay shaacisay shabakadan Goobjooge.com.
Goobjooge.com
Muqdisho-Somalia
[ad name=”HTML”]