Fadeexad aan hore loo arag ayaa la soo weriyay inay xalay ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii la bilaabay in lacago laaluush ah la siinayo xubno ka mida xildhibaannada Soomaaliya si ay u saxiixaan mooshin laga diyaarinayo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Howshan oo ka socotay laba xarumood oo kala ah Guri uu ku shaqeeyo Xildhibaan Cali Ganey kuna yaala afaafka Madaxtooyada iyo Hotelka Centrale ayaa waxaa lama filaan noqotay in ilaa 11 xildhibaan ay iska diiwaan geliyeen labada xarumood isla markaana laba jeer qaateen lacagihii laaluusha ahaa oo gaarayay min $3000.
Muddo kadib markii ay ka warheleen arrintaasi dadkii howshan waday oo uu hormuud ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo nin la dhashay madaxweynaha ayaa baadigoob loo galay xildhibaanadaasi si looga soo celiyo lacagihii ay labada jeer qaateen, howlgalkaasi ayaa socday ilaa xalay waqti danbe, waxayna wararku intaas ku darayaan in dhibaato weyn laga mutay soo celinta lacagahaasi sida fadeexada ah lagu bixiyay.
Waxaa xusid mudan in xildhibaanda Baarlamaanka oo ay ka maqan tahay 2 bilood mushaar ah, dhowaanna la siiyay hal bil. Waxaana laga yaabaa in lagu laaluushayo isla mushaarkoodii laga daahiyay!!!!.
Goobjooge Info
Muqidsho
DIGNIIN FADLAN HADDII AAD WARKAN QAADANAYSO : KA XIGO WEBKAN
[ad name=”HTML”]