Wargeyska New York Post ee dalka Mareykanka ayaa daabacday maanta sawirro qaawan oo ay leedahay
haweeneyda u dhaxda musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee u loolamaya doorashada madaxweynaha Mareykanka ee Melania Trump.
Sawiradan ayaa la qaaday xilli ay 25 sano jir ahayd, waana Model iyadoo markaasi lagu daabacay Majalad ragga u gaaram waxayna muujineysay quruxdeeda sida haweenka Modelka ay sameeyaan.
Sawirradan ayaa xilliga la qaaday ay ku beegneyda 3 sano ka hor intii aanay la kulmin saygeeda hadda Donald Trump. Melania waxay iska qaaday sawirro guud ahan ay qaawan tahay oo aanay waxba xirneyn waxayna jirkeeda oo dhan yahay mid qaawan iyadoo gacmaheeda ku qarineysa qeybteeda hoose, galka qeybta sare ay bannaanka taal.
Sawirrada oo ah kuwo fara badan oo lagu baahiyay Wargeyska New York Post ayaa fadeexad kale ku noqonaysa musharaxa Donald Trump oo horeba ay u heysteen caqabado ka soo wajahay war uu ka sheegay haweeney dhashay askari Mareykan ah oo lagu dilay Ciraaq.
Sawirradan sida ay sheegtay jariirada New York Post, waxaa qaaday sawir qaadaha Jarl Alé Alexandre de Basseville, sanadkii 1995 xilligaas oo Melania ay ahayd model qaawanaanta ku faanta.
Sawir qaadaha ayaa u sheegay Jariirada in Melania ay ahayd qof qurxoon oo u dabaaldegeysa quruxdeeda ayna muujinayaan sawirada xoriyadda haweenka.
Majalado kale oo ingiriis ah ayay hore uga soo muuqatay Melania iyado qaawan, laakin sawirada xilligan la baahiyay ayaan weli wax hadal ah laga soo saarin. Waxayna dadka qaarkiis sheegeen in marwada koowaad ee madaxweynaha Mareykanka aanay suuragal ahay inay noqoto haweeney noocaas ah.
Goobjooge.com