Monday, June 23, 2025

FADEEXAD: Wakiiladii dowladda Soomaaliya oo lacag ka qaatay qaxootigii laga keenay Yeman

Sabti 13 June 2015 waxaa magaalada Boosaaso soo gaaray Markab sida qaxooti Soomaali u badan oo ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Yeman, waxayna ahayd socdaalkii ugu horeeyay ee markabkaasi ku soo qaado dad qaxooti ah kadib markii uu ku deeqay Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Cali Faarax.

Markab-fadeexad
Markabkii oo Qaxootiga keenay Dekadda Boosaaso (Sawirka bidix waa Qunsulka Cadan Axmed Suudaani, kan midigna Agaasime C/casiis Yuusuf

Dadka markabka safarkiisii koowaad ku soo qaaday ayaa tiradoodu dhameyd 2000 ruux dadkaas oo u badnaa caruur, haween iyo waayeel ayaa waxaa soo shaac baxdsay fadeexad ku saabsan lacago laga qaatay dadkaasi si ay Markabka u raacaan.

Markabka oo Muqdisho ka shiraacday waxaa la saaray cunto, cabitaan iyo agab kale oo ay ku deeqeen dhinacyo kala duwan, waxaana sidoo kale raacay xubno isugu jira saxafiyiin iyo guddi gurmad ah oo xukuumadda Soomaaliya u mgacawday arrimaha qaxootiga.

Ad

Fadeexadan waxaa ku lug yeeshay Qunsulka Cadan u jooga dowlada Soomaaliya ninka lagu magacaabo Cabdi Xasan Axmed (Suudaani) oo ah mas’uulka ku sugnaa Cadan ee qabanqaabiyay soo qaadida dadka qaxootiga ah iyo Agaasime ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo lagu magacaabo C/casiis Yuusuf oo dowladda wakiil uga ahaa arrinta qaxootiga.

qaxooti
Qaxootigii oo ka degaya Markanka iyo Qunsulka Cadan oo isku hor sawiray

Sida ay xaqiijisay Goobjooge.com dadka qaxootiga ah ayaa gudaha magaalada lagu diyaarinayay iyadoo mid waliba laga qaaday lacag dhan $50, waxaana sidoo kale falkan ku lug yeeshay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha iyoo Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ninka lagu magacaabo Cabdicasiis Yuusuf oo ka mid ahaa guddiga gurmadka xukuumadda.

Fadeexadan oo hareysay xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo guddiga xukuumadda Soomaaliya ayaa gaartay xukuumadda waxaana guddi loo saaray arrintan iyadoo lagu wareejiyay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka inuu soo baaro, kadib markii ay dacwad ka keeneen xubno wasiiro ah oo ka mida guddigii xukuumadda.

- Advertisement -

Qorshaha dadka qaxootiga ah lacagta looga qaadayo ayaa u dhacay si habeysan oo dadka inta aysan soo gaarin markabka laga ururiyay, waxaana howshaas oo dhan gacanta ku hayay qunsulka Cadan Axmed Suudaani.

Waxaa wax lala yaabo ahayd in Markab uu ku deeqay ganacsade Soomaaliyeed si loogu daad gureeyo dad qaxooti ah oo aad u liita, haddana mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay lacago uga qaataan dadkaasi, waxaana laga war sugayaa baaritaanka loo xil saaray xeer ilaaliyaha Dr. Axmed Cali Daahir inkastoo laga cabsi qabo in arrintan si hoose loo xaliyo. Fadeexadaha noocan oo kale ah ayaa ah kuwo ay isu casilaan madaxda dowladaha.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

- Advertisement -

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON