Waxaa Faahfaahin kasoo baxeysaa dacwad musuqmaamusuq oo xafiiska Dembiyada waaweyn ee Ingiriiska kusoo oogay Shirkadda SOMA Oil and Gas oo ah shirkad heshiis shidaal baaris la saxiixatay dowladda Soomaaliya.
Sida ay faafisay Wakaalada wararka Reurters oo soo xigatay qoraal ay diyaariyeen guddiga Q/Midoobay u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Ereteriya, $580,000 doolar ayay shirkadda SOMA siisay Wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo heshiiska ay la saxiixatay.
Lacagtan ayaa lagu sheegay in sare loogu qaadayo xirfadda shaqaalaha wasaaradda laguna qalabeynayo xafiisyadeeda Muqidsho. Waxaana ka mida in lacagan loo adeegsanayo tababarka ilaa 6 shaqaale, oo midkiiba mushaar ahaan uu u helayo $5,000 doolar, iyadoo qofka ugu mushaar sareeya ee shaqaalaha caadiga ah wasaarada Soomaaliya waa $1,000 doolar.
lacagtan ayaa la tuhunsan yahay inay ku baxday qaab laaluush ah sida ay sheegayaan saraakiil magacyadooda la qariyay oo saxaafadda ay soo xigneyso. Warqad ku taariikheydsan April 2014 oo shirkadda SOMA u dirtey Wasaaraddawaxaa ku caddeyd in shirkadda ay Wasaaradda siineyso $400,000 oo lacag caddaan ah oo kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha wasaaradda, taasi deyn ahaan ay dib ka heli doonto shirkadda.
Heshiisyada ay galaan Wasaaradaha dowladda Federaalka iyo guud ahaan xukuumadda ayaa ah kuwo ku dhisan qarsoodi oo lacago aan la soo marin xukuumadda iyo baarlamaanka, kana mid ahayn miisaaniyadda guud ee dowladda lagu kala qaato, taasoo wax waliba ka dhigeysa musuq iyo xatooyo, waana sababta ugu weyn ee mas’uuliyiinta dowladda federaalka ay ku fashilmaan heshiis wada oo ay ku lug yeeshaan.
Arrintan Soma Gas and Oil waxay mar kale soo shaac bixineysaa dhibaatada ka taagan heshiisyada caalamiga ah ee dowladda Federaalka ku lug yeelato oo dhammaantood laga qariyo Baarlamaanka, waxaana kiiskan ugu danbeeyay ku lug leh oo si weyn u riixaya guddiga cunaqabateynta Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo Ereteriya oo ah guddi inta badan kasoo horjeeda dowladnimada Soomaaliya oo arrimahan oo kale si weyn uga faa’iideysta.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]