Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay falka naxdin leh, kadib markii la gowracay haweeney xaas ahayd.
Ninka xaaskiisa falka gowraca u geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xaji Cabdi Siyaad, waxaana falkani ka dhacay degaanka Guriceel oo ay gacanta ku hayaan kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe.
Xaaska oo iyana magaceeda lagu soo koobay Canab ayaa wararku sheegayaan inay muddo dheer wada noolaayeen saygeeda ayna u heysay 8 caruur ah, waxaana wararku sheegayaan inuu ninku isku dhex yaacay oo madaxa looga jiray.
Ciidamada Ahlu suna ayaa qabtay dembiilaha oo xabsiga dhigay. Waxayna dhacdadan noqotay mid si weyn ay uga naxen dadka ku nool Magaalada Guriceel.
Goobjooge.com