Friday, June 27, 2025

Falastiini hubeysan oo Askar Yuhuud ah toogasho ku dilay Daanta Galbeed

Saddex askari  oo israa’iiliyiin ah ayaa waxa toogasho ku dilay nin falastiini ah oo hubeysan oo weerar ku qaaday.

Toogashadan ayaa ka dhacday meel laga soo galo goob ay Daanta galbeed ka deggan yihiin dadka Yahuuda, sida ay sheegeen booliiska Israa’iil.

Ninka hubaysan ee toogashada fuliyay ayaa markii danbe toogasho lagu dilay. Ilaa iyo imika lama oga heebta ninka gaystay weerarka ay ku dhinteen saddex askari oo Yuhuud ah.

Ninka weerarka fuliyayayaa yimid ilinka laga galo goobta lagu magacaabo Har Adar ee Galbeedka Qudus, ka dibna wuxuu rasaas ku furay goobtaasi. Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo qaba dhaawacyo halis ah.

Ilaa iyo imika ma aysan shaacin xukuumada Israa’iil magacyada dadka waxyeelada ka soo gaartay weerarka sida ay baahisay jariirada Jerusalem Post.

Weerarada loo adeegsado Gawaarida dadka la jiirsiiyo, Toorey iyo hubka ayaa ku sii badanayay goobaha ay deggan yihiin dadka Israa’iiliyiinta tan 2015.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON