Waxaa Caawa magaalada Muqdisho ku geeriyootay fanaanada Marwo Cabdi Axmed oo kamid aheyd fanaaniinta Hobalada Qaranka ee Waaberi sida uu xaqiijiyay agaasimaha kooxda Waaberi Maxamed Xasan Barrow.
Agaasimaha Waaberi wuxuu sheegay in fanaanada ay caafimaad qabtay maalmahan isla markaana mar qura xanuun uu ku soo booday ugu dambeyntiina caawa maqrabnimdii ay ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaala ee magaalada Muqdisho.
Maxamed Xasan Barrow wuxuu tacsi u diray dhammaan ehelada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan. Sidoo kalena geerida fanaanada waxaa ka tacsiyeeyay qaar kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed.
Fanaanada Marwo Cabdi Axmed, ayaa kooxda fanka ee Waaberi kamid aheyd tan iyo 1980-kii iyadoo qeyb ka aheyd jiliyaashii riwaayadii caanka aheyd ee “Waa maadeys aduunyadu dadkuna waa ay matalayaan”.