Fanaaniinta fara badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maantaa ka degay magaalada Kismaayo, iyadoo ay ka mid yihiin dadka ka qeyb galay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu wado inay halkaasi ka dhacdo Sabtida 12-ka bishan.
Fannaaniinta maata gaaray Kismaayo oo halkaasi lagu wado inay xaflada caleemo saarka Axmed Madoobe dadka madadaaliyaan waxaa ka mida:
- Shimaale Axmed Shimaali
- Maxamed Xasan Xuseen (Lafoole)
- Siidii Cali Wiinkeey
- Muslimo Qaasim Hiloowle
- Umu shariif iyo fannaaniin kale oo dhinaca miyuusikada ah.
Markii ay gaareen magaalada Kismaayo fanaaaniintan ayaa dadweyne ku soo dhoweeyeen garoonka, waxayna saxaafadda u sheegeen inay ka mahad celinayaan sidii diiraneyd ee loogu soo dhoweeyay Kismaayo
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:=
[ad name=”HTML-7″]
[ad name=”HTML-1″]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]