Wednesday, June 25, 2025

Fannaanka Nimcaan Hilaac oo lagu xiray Dalka Suudaan, kadib bandhig faneed uu….

Fannaanka caanka aha ee Nimcaan Hilaac ayaa xabsiga la dhigay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Booliska Dowladda Suudaan ayaa qabtay Fanaanka Nimcaan Hilaac kadib markii bandhig faneed aanu fasaxu heysan oo ka dhigay magaaladaasi oo muddo todobaad ah ku sugnaa Dalka Suudaan.

Xariga fannaanka ayaa yimid markii uu abaabulay xaflad ay isugu yimaadeen dad ka badan 150 qof oo isugu jiray gabdho iyo wiilal, iyadoo fannaanku ka heesayay, waxaana hoolka galay ciidamo Boolis fannaanka xabsiga u taxaabay, iyadoo la soo weriyey inay jirdl u geysteen.

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya xariga fannaankan oo dadaal loogu jiro in la sii daayo. Bandhigga heesaha oo u baahan ogolaasho ayaa la sheegay in qabqabaabiyeyaasii Bandhigga Fannaanka ay ka been sheegeen, iyadoo sheegay in xafladu tahay Aroos.

Fannaanka Nimcaan Hillaac ayaa sheegaya inuu fannaanku wato Baasaboor Jabuutiyaan, taasoo xaaladda ka dhigeysa in safaaradda Jabuuti ay arrintiisa gasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON