Fannaankii hore ee caanka ahaa Axmed Cabdikariin Maxamed (Axmed-biif) oo hore uga baxay fanka ayaa farriin qiiro leh oo uu la ilmeeyay kasoo diray isagoo ku sugan Xaramka barakeysan oo uu Cimro u joogay.
Axmed Biif ayaa mar kale codsi u diray dadka heysta heesihiisa ee dhageysta, wuxuuna si qiiro leh uga dalbaday inay masaxaan oo ah tirtiraan heesihiisa dadka weli daawada ama dhageysa heesihiisa.
Wuxuu sheegay fannaanka hore Axmed Biif inuu iminka yahay arday diinta islaamka ka barta magaalada Muqdisho oo uu rajo weyn ka qabo inuu cilmi heer ka gaaro.
HOOS KA DAAWO