Friday, June 27, 2025

FARRIIN QARAN: Gabay caan baxay iyo Geesi cadaalad sugaya (Dhageyso Gabaygii loo xiray Col. Cukaash)

“Farriin Qaran” waa gabay dhab-ka-hadal ah uu tiriyay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabo col Cismaan Cilmi Guure (Cukaash). Gabaygani wuxuu sabab u noqday nin sarkaalkan xabiga loo dhaadhiciyo isagoo muddo 4 bilood ku dhowaad ah xiran.

Cukaash

Wuxuu gabaygu ka hadlayaa xaaladda ciidamada Soomaaliyeed iyo sida loo musuqmaasuqo, wuxuuna si toos ah sarkaalku ugu hal qabsanayaa Taliyaha ciidamada Qalabka sida Gen.Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe). Hooriska gabayga ahaa ah: “MAXAAN GEESH DHISNAA TALISKII BAA CUNI GARAAMKIIYE”.

Gabaygan oo caan sii noqonaya kuna baahaya bulshada Soomaaliyeed wuxuu ka yimid qof ku dhex jira ciidamada dalka oo ka war qaba xogtooda, wuxuuna si dareen wadaniyeed ah u qeexayaa murugada ciidamada dalka heysata iyo halka ay ka dhismi waayeen.

Waxaan akhristayaasheena u soo gudbineynaa gabaygani qiimaha leh, waana inaad ogaataan in codka halka ka baxaya uu yahay mid sarkaal ciidamada dalka ka mida xoriyadiisii looga qaaday oo dhibaato u marayo xilligan.

Xariga sarkaalkan oo xilal muhiim ah ka soo qabtay ciidamada ayaa su’aalo badan ka taagan yihiin iyadoo dib loo dhigay maxkamad la sheegay in la soo taagayo. Waxaana arrintiisa la gaarsiiyay Baarlamaanka Soomaaliya oo la filayo inay soo fara geliyaan arrintan.

Waxaa mahadcelin mudan warbaahintii xaalada sarkaalkan soo shaac bixisay. Waxaa kaloo la sugayaa doorka mas’uuliyadda qaranka iyo cidda ay quseyso inay arrintan xaqa iyo cadaaladda mariyaan GEESIGA FARIIN QARIN TIRSHAYNA gobanimo la siiyo.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON