Monday, June 23, 2025

Gaadiidleyda Muqdisho oo lagu soo rogay Ceymis Qasab ah & Shaqo joojin ka socota magaalada

Gaadiidka dadweynaha ee BL-ka magaalada Muqdisho ayaa saaka ku dhaqaaqay shaqo joojin iyo bannaanbax ay uga cabanayaan ceymis qasab ah oo lagu soo rogay.

Kumanaan baabuurta dadweynaha ay iyo Bajaajta ayaa shaqo joojintooda ka danbeysay markii Gaadiid fara badan ay xareysteen ciidamda taraafikada iyo kuwa booliska lagana dalbaday inay bixiyaan lacag gaareysa 62.5 Doolar/Bishii oo ah ceymis ay qaadeyso Shirkad lagu magacaabo Takaaful oo dowladda kula soo heshiiyay in lacag loo dul saaro Gaadiidka.

Shirkadan ayaa ka mida shirkado fara badan  oo dowladda waqtigeedu dhammaaday ay siisay qandaraasyo ay ku qaadaan lacag ay dowladdu qaadi jirtay iyo lacago kale oo la soo alifay magaca dowladda looga xooleysto dadka shacabka ah.

Ad

KASHIFAAD: Yaa is kale shirkadda lacagaha ku soo rogtay rakaabka ka dhoofaya Garoonka Muqdisho..?

Milkiilayaasha Gaadiidka ayaa sheegay inay bixiyaan lacagaha dowladda ee isugu jira:

  • 2 Doolar oo maalin kasta ah gaadiidka BL-ka
  • 47 Doolar oo saddex biloodle
  • 30 Doolar sanadle buugga baabuurta ah
  • iyo lacagta ay ku qaataan Leysinka

Waxayna diideen inay bixiyaan lacag ay wadato shirkad dad shacab  ah wataan oo ay doonayaan inay magaca dowladda lacag uga qaataan. Waxay ku adkeysteen inay sii wadi doonaan bannaanbaxyada iyo shaqo joojinta waxayna baaq u direen madaxda dowladda inay wax ka qabtaan dhaca lagu heysto.

- Advertisement -

WAR CUSUB: Wasaaradda Gaadiidka oo Ceymis qasab ah ku soo rogtay Gaadiidleyda

Guddoomiyaha shirkadda Ceymiska Takaaful Maxamed Cabdi Maxamed ayaa dafiray inay qasbeen gaadiidleyda Muqdisho, wuxuuna idaacadaha gudaha u sheegay in shirkadooda aanay cidna qasbin, laakiin dowladda ay awood u leedahay, iyadana la weydiiyo cabashada Gaadiidleyda.

Xilligan kala guurka ah waxaa sii kordhaya shirkadaha lacagaha ka sameynaya dadweynaha Muqdisho ee ku xiran dowladda, waxayna ka mid tahay dhaxalka dowladda Xasan Sheekh oo horeba shaqooyinkii wasaaradaha dowladda iyo ilihii dhaqaalaha ugu gacan gelisay shirkado maxali ah iyo kuwa dibadeed.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON