Tuesday, June 24, 2025

Gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo shil qasaare dhaliyay ka geystay Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ay ka soo baxdays Kolonyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ah oo midkood shil la galay gaari BL ah oo dad shacab saarnaayeen magaalada Muqdisho.

Shilka oo ka dhacay inta Isgoysyada KM4 iyo Afasiyooni ayaa Gaariga BL-ka ah uu ka yimid KM4 ayaa ku sii jeeday Xamarweyne, halka Gawaarida  gaashaaman ee AMISOM ay ka yimaadeen dhanka Xamarweyne kuna socdeen aroonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ilaa 7 Qof ayaa ku dhaawacantay Gaariga BL-ka ah oo uu jiiray gaari ka mida kuwa ciidanka AMISOM, waxaana dhaawaca qaarkiis ay ahaayeen qaar culus.

Haweeney uur leh oo la socotay Gaariga BL-ka ayaa la sheegay inay ka mid ahayd dadkii ku dhaawacmay shilka, Dadka deegaanka ayaa sheegay in Gawaarida AMISOM ay ku socdeen wado qaldan taasina ay keentay shilka.

Ciidamada ammaanka oo meesha ka dhowaa ayaa qabtay ciidamadii shilka geystay ee  AMISOM, waxaana soo noqnoqda  falalka shilalka ee Gaadiidka AMISOM ku lug yeelato.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON