Qarax Miino ayaa lala bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM xili ay marayeen wadada Warshadaha ee degmada Yaaqshiid, halkaasoo khasaare uu kasoo gaaray mid ka mid ah gaaridii AMISOM.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid aad u xoogganaa kaasoo dhacay abaare 08:00 Subaxnimo.
Wararka laga helayo goobtu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM isku gadaameen aaga qaraxu ka dhacay, taasoo suuragelin in la ogaado khasaaraha rasmica ah ee ka dhacay qaraxaasi.
Al-Shabaab ayaa xiliyada qaar ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda la bartilmaameedsada qaraxyada wadada la dhigo ee goobaha fog fog laga hago.