Thursday, July 10, 2025

Gaari lagu qarxiyay Magaalada Marko & xiisad colaadeed oo ka taagan

Wararka laga helayo magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaaladaasi, kaasoo lala beegsaday gaari Qaad siday.

Qaraxa ayaa sababay inuu qarxo Gaari nooca raaxada ah, waxaana qaraxa uu ahaa miino lala beegsaday Gaariga, kaasoo sababay inuu  gaarigii gudbto, darawalkii wadayna uu ku dhinto.

Dadka degaanka ayaa sheegay in gaariga la qarxiyay uu si xun u gubtay. Guddoomiye ku xigeenka Ammaanka ee Magaalada Marka C/kariin Xuseen ayaa ka deyriyay xaaladda magaalada Marka, wuxuuna sheegay in ay ku dagaalamayaan laba beelood.

Wuxuu intaas ku daray inaysan xaqiijin karin, cidda mas’uulka ka ah qarxinta gaariga inay tahay Alshabaab iyo cid kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON