Thursday, June 26, 2025

Gaari Miino loogu xiray sarkaal ka tirsan Nabadsugidda oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada Amaanka iyo kuwa Maamulka degmada Waabari ayaa ku guuleeystay inay gacanta ku dhigaan  Gaari uu lahaa sarkaal u ka tirsan Nabadsigidda oo lagu xiray waxyaabaha qarxa isl amarkaana la doonayay in lagu dilo.

Guddoomiyaha Degmada Waabari Xaawo Maxamed Cali ayaa sheegtay in Ciidamada Amaanka  oo kaashanaya Hay’adda Miino Baarista ay si nabadgelyo ah ugu guuleeysteen inay ka furaan miino loogu xiray baari nooca raaxada oo uu lahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya.

Waxay intaa ku dartay in Gaariga qaraxa lagula xiray Goob uu yaalay oo u dhow Buundooyinka degmada Waaberi, laakiin ay  dadka Shacabka ah ku soo wargaliyeen Ciidamada Amaanka oo howsha fuliyay, lamana qaban dadkii ku xiray qaraxa.

Waa Miinadii ugu horeysay ee lagu guuleysto in laga furo gaari loogu talogalay in lagu qarxiyo qofka wata, waxaana hore u dhacay falal qaraxyo ay oo lagu dilay degmada Waaberi dad kala duwan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON