Tuesday, June 24, 2025

Gabadhii la sheegay in laga afduubtay Muqdisho oo Guriceel ka sheegtay War cusub oo lama filaan ah (Sawirro)

Gabadhii qoyskeeda sheegeen in laga afduubtay xaafada Shanta Geed ee Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho oo maanta lagu qabtay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Booliska u sheegtay inaysan jirin cid soo afduubtay.

Hibo Maxamed Xasan oo 18 sano jir ah ayaa sheegtay inay iskeed uga soo tagtay qoyskeeda, iyadoo aan u sheegin socdaalkeeda ayna u socotay ehelkeeda dad ka mida oo ku nool Guriceel. Hibo waxay caddeysay in rabitaan iyada u gaar ah ay kaga soo baxdey Muqdisho iyadoon ogeysiin qoyskeeda.

Dhinaca kale Taliyaha Booliiska Guriceel Dhamme Cusmaan Cali Hudeey ayaa isna sheegay in Hibo Maxamed Xasan ay maanta Ciidamada Amnigu ka reebeen gaari ay la socotay aysan ahayn qof la afduubtay, balse iyadu soo aaday xubno ehelkeeda ka tirsan oo Guriceel dagan.

Gabadha oo hayb ahaan kasoo jeeda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa qosykeeda ay shalay shaaciyeen in la afduubtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON