Sunday, July 27, 2025

Gabadhii Talyaaniga ee laga sii daayey afduubkii Somalia oo lagu soo dhoweeyay Roma (Sawirro)

Gabadhii u dhalatay dalka Talyaaniga ee afduubka loogu haystay Soomaaliya ayaa ka degtay magaalada Roma ee dalkeeda, markii laga dhoofiyey magaalada Muqdisho.

Silvia Romano ayuu shaaciyey Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga Guisseppe Conte in la xoreeyay, isagoo u mahadceliyay Sirdoonka Talyaaniga ee dalka Talyaaniga, mana jirto faahfaahin kale oo laga bixiyey howogalka ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo kuwo caalami ah iska kaashadeen.

Qoyska gabadha iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dalka Talyaaniga ayaa kusoo dhoweeyay garoonka, iyadoo ku lebisneyd xijaabka haweenka Soomaalida xirtaan.

Gabadhan ayaa waxaa bishii November ee 2018-kii ay dabley ka afduubeen deegaanka Kallifi ee dalka Kenya, waxaana kadib la keenay gudaha Soomaaliya dhulka ay ka taliyaan maleeshiyada Al-Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON