Thursday, June 26, 2025

Gabar ay adoonsadeen kadibna iibsadeen Daacish oo la siiyay Abaalmarin caalami ah

Gabar kasoo keeda qowmiyadda Yazidi ah ee dalka Ciraaq, oo ay qabsadeen IS kadibna xoogeen ayaa ku guulaysatay abaalmarin sare ee xuquuqda bini’aadanka.

Nadia Murad ayaa ka heshay abaalmarinta Vaclav Havel ee xuquuqda bini’aadanka Golaha Yurub.

Miss Murad ayaa noqotay hogaamiye ololaha xoraynta dadka Yazidi-ga, iyo joojinta dadka sharci darada lagu dhoofiyo kadib markii ay ka soo fakatay kooxda IS bishii November 2014.

nadia-muradNadia oo 23 jir ah ayaa la qabsaday oo laga dhigay adoon saddex bilood iyadoo ka mid ahayd 5,000 oo dumar iyo gabdho la qabsaday.

Bilihii la haystay, dhowr jeer ayaa la iibiyay, oo ay ku sameeyeen xadgudub jirkeeda kooxda IS.

Miss Murad, oo ay Qaramada Midoobay u magacawday safiir bishii September, ayaa ku baaqday in la sameeyo maxkamad caalami ah oo lagu qaado danbiyada ay sameeyaan kooxda IS, markay jeedinaysay qudbadii ay ku aqbashay abaalmarinta ee Strasbourg.

Waxay ku sheegtay weerar IS ay ku qaaday Yazidi “xasuuq”, waxayna sheegay “Dunida xorta ah inaysan waxba ka qabanayn.”

Abaalmarinta, oo la siiyo bulshada rayidka ee qabta shaqooyinka fiican oo difaaca xaquuqda bini’aadanka,ayaa wadata 60,000 euros (£54,250;$67,000).

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON