Wednesday, June 25, 2025

Gabar Somali ah oo Ku biirtay Booliska Gobolka Minnessota (Sawirro)

Gabadhii ugu horeysay ee Somali ah ayaa shalay si rasmi ah loo siiyay kaarka Booliska gobolka Minnessota dalkan Mareykanka, iyadoo ka mid noqoneysa tirada booliska Mareykanka Somalida uga biireysa gobolka Minnesotta oo sii kordhaysa.

Qadra  Maxamed, oo 22 jir ah ayaa waxaa bishii March ee sanadkan shaqaale ka noqotay , qeybta booliska ee Magaalada  St. Paul ee gobolkaasi, laakiin haatan ayey si rasmi ah ugu biirtay booliska. gaar ahaan,

​qeybta Metro-transit Police loo yaqaan oo ka howgasha magaalooyinka mataanaha ee St. paul iyo Minneapolis oo ay ku noolyihiin Somalida ugu badan Mareykanka.

Qadra ayaa loo ogolaaday inay shaqadeeda gudato iyadoo weliba xiran xijaab.

Waxaana arintan ay ku soo beegmeysaa,  iyadoo dhawaan  Ismahan Isse, oo ah gabar somaliyeed oo 29 sana jir ah oo ka soo baxday akaemiyada booliska  magaalada Kolombus ee gobolka Ohaio ay isaga hartay, damaceedii ahaa inay boolis noqoto, iyadoo u sababeysay in siyaasadaha booliska gobolka aaney ogoleyn in xijaab ay ku shaqeyso.

Daawo Sawirro.

IMG_21C229-B06F55-99CDF1-7D26F7-36F713-ABAAE4

 

IMG_0503A4-77FB24-1CBCE5-BA322F-8D14B1-35B73F

 

[ad name=”HTML-1″]

IMG_B2D164-4F907E-694C80-C1A121-3253C0-20BC3B

IMG_E013D1-6A9CF4-230FFC-7DDE61-1CA761-952DA6

 

Xigasho VOA.

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON