Farhia waa gabar ay iska dhaleen Aabe Soomaaliyeed iyo Hooyo Russian ah oo kasoo jeeda magaalada St. Petersburg.
Waaa qoyskeeda kala kaxeeyay dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, qisada Farhiya waxay ku saabsan tahay inaysan aabaheed arag muddo 40 sanadood ah, iyadoo ah gabaray iska dhaleen Qoys ka kooban Aabe Soomaali ah iyo hooyo Russian ah.
Farhiya ayaan Aabaheed indho saarin mudo 40 sano ah, kadib markii ay Russia go’aansatay ineey garab istaagto Dowlada Itoobiya dagaalkii 1977 , waxayna awoodi weysay inay dib u aragto aabaheed.
Waxay sawiradeeda iyo farriimo u marisay barta bulshada ku xiriirto ee Instagram, waxaana farriinteeda si weyn u faafisay soomaalida bartaasi ku xiran iyo barta kale ee facebook. Markii danbe waxay heshay aabaheed oo hadda ku nool magaalada Oslo ee dalka Norway.
Raadin badan iyo waqti dheer kadib waxay BBC-da uga sheekeysay sidii ay ku heshay 40 sanadood ka dib aabaheed. Dhinaca sare ka daawo qisadan cajiibka ah.
Isha: BBC