Warar laga helayo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Gabar 14 sano jira, kana mid ahayd Ardadii wax ka baraneysay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Imaam Shaafici ay is dishay.
Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Nimco Axmed Jaamac ayaa Aroortii hore ee saaka lasoo weriyay inay Mindi Dhuunta isaga jartay, taasoo ka dambeysay markii ay ogaatay inay ku dhacday imtixaankiii Fasalka 8aad oo ardaydii gashay ay ka mid ahayd.
Ehelada Nimco ayaa sheegay inay aad uga welwelsaneyd natiijada imtixaankeeda, waxayna ka mid ahayd arday dhan 603 oo ku dhacay imtixaankii laga qaaday dugisyada Gobolada Somaliland.
Isbitaalka ayaa loola cararay Nimca Axmed Jaamac oo dhaawac halis ah isu geysatay, waxayna durbadiiba ku geeriyootayc Isbitaalka Guud ee magaalada Ceerigaabo.
Ardayga dhacday sanadkan degaanada Somaliland ayaa ahaa kuwii ugu badnaa imtixaan qura laga soo calaamadeeyo inay gudbi waayeen.
Warka Gabadha is dishay ayaa naxdin weyn ku noqday magaalada Ceerigaabo iyo degaanada Somaliland, iyadoo ay tahay dhacdadii ugu horeysay ee nooceeda ah.
Goobjooge.com