Sunday, July 13, 2025

DHACDO NAXDIN LEH: Gabar Soomaaliyeed oo isku gubtay Jaziirada Nauru

Wararka laga helayoJaziiradda Nauru ee ku taalla bartamaha Badweynta Pacific-gga  uma dhow dalka Australia ayaa sheegaya in Gabadh Soomaaliyeed oo halkaasi qaxooti ku ahayd ay is gubtay.

Gabadhan ayaa loola cararay isbitaalka oo ay hadda ku jirto, waxayna ka mid ahayd dad magangelyo doon ah oo dawladda Australia ay ku hayso jasiiraddaas, kadib markii ay doonyo sharci darro ah ku galeen Australia.

Nin u dhashay dalka Iiran  ayaa isna dhowaan isku gubay jaziiraddaas, isaga oo markii dambe geeriyooday markii caafimaadkiisa kasii daray.

Gabadhan ayaa la sheegay inay da’deedu gaareyso 19 sano jir, isla markaana ay isku gubtay xaaladii ay ku jirtay iyadoo hore dhaawac u gashay oo madaxa jab kasoo gaaray, Waxaa lagu magacaabaa Hodon Axmed Barre.

Australia ayaa jaziirada NAURU isugu geysta dadka doonyaha ku gala dalkeeda iyadoo xaalad adag ku jiraan dadkaasi, waxaana hadda la sheegay inay xaalad adag oo caafimaad ku gashay, kuna jirto Koomo, iyadoo ciidamada Australia ay diyaarad ku qaaday, lana dhigay isbitaal.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON