Dabley hubeysan ayaa saaka aroornimadii weerar ku qaaday laba hablood oo shaqo u socday, waxaana weerarka oo ka dhacay agagaarka Garoonka Aadan Cade.
Labada gabdhood ee walaalaha ah ayaa midkood oo lagu magcaabo Fawsiyo Jamaal Hassan Hilowle lagu dilay weerarka iyadoo Shankaroon Jamaal Xasan oo la socotayna ay dhaawac kasoo gaaray iyada iyo darawalkii Mooto Bajaaj ay la socdeen ay ka baxsadeen goobta weerarka, waxaana lagu furay rasaas ay ka badbaadeen.
Rag bistoolado ku hubeysan oo falkan geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowladda kadib falkaasi.
Falkan ayaa ka danbeeyay, weerar kale oo xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay haweenay da’ ah oo dabley hubeysan ay ku toogteen Xaafada Saybiyaano ee Degmada Hodan.
Goobjooge.com