Tuesday, June 24, 2025

Gacan-ka-hadal dhex maray laba mudane oo ka mida xildhibaanada keenay Mooshinka Madaxweynaha

Waxay ahayd 17-kii Bishan markii xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaya tiro badan oo ka mida ay kulan xafiiskiisa Villa Hargeysa kula yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), kulankaas oo ku saabsanaa jawaab laga sugayay xildhibaanada mooshinka kuna saabsaneyd caddeymaha ay u hayaan eedeyntii ku qorneyd Mooshinkooda ee madaxweynaha, laakiin kulanka wuxuu ku dhamaaday buuq iyo gacan-ka-hadal dhex maray laba xildhibaan oo ka mida xildhibaabadii  kulanka ku jiray, taasoo ka dambeysay muran ka dhashay jawaabta la gudbiyay iyo cidda gudbisay, haddaba sida ay wax u dhaceen hoos ka akhri:

[spacer color=”1711C2″ icon=”fa-star” style=”1″]

Laba xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaal gacan-ka-hadal ah ku dhex maray kulan ay la lahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Arrintan ayaa ka dambeysay kulan Villa Hargeysa ku dhex maray guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanada mooshinka madaxweynaha oo lagu gudbinayay Jawaab caddeymo wadata oo xildhibaanadaasi ku sharxayaan qodobada ay ku soo eedeeyeen madaxweynaha sida uu ka codsaday guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kulankaasi ayay qaar ka tirsan xildhibaanada Mooshinka wada ku gudbiyeen jawaabta caddeymaha eedeynta Madaxweynaha, waxaana xubnaha soo qoray eedeymaha ka mid ahaa Xildhibbaanada kala ah: Cabdi Xoosh, Fowsiyo Xaji, C/llaahi Goodax, Kabaweyne iyo koox kale, laakiin waxaa arrintaasi ku baraarugay xildhibaanada kale ee shirka joogay oo aan waxba kala socon jawaabta loo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa muran ka dhex dhashay xildhibaanadii Mooshinka dhexdooda oo qaarkood ay is-weydiiyeen jawaabta iyo cidda diyaarisay, waxaana ugu dambeyn ay dhalisay inay gacanta isula tagaan laba xildhibaan oo lagu kala magacaabo C/kaafi Macalin Xasan iyo Xildhibaan C/kariim Daahir Shariif.

Kulankii ayaa isku bedelay fowdo iyo qas waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanku u sheegay xildhibaanada mooshinka wada in jawaabta ay keeneen aysan ahayn wixii la weydiiyay ee laga sugayay, dibna u soo celiyaan jawaab sax ah oo ay ku mideysan yihiin.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON