Thursday, June 26, 2025

Gacan ka-hadal ka dhacay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Khartoum, Suudaan

Wararka laga helayo magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa sheegaya in murankii ka taagnaa safaaradda Soomaalida ee dalka Suudaan uu cirka isku shareeray.

Murankan oo salka ku haya Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo fal qaraabo-kiilnimo iyo kala sooc ku sameeyay shaqaalaha safaaradda ayaa keenay is fara saaraan xoghayeyaasha Abuukar Boston iyo xoghayaha labaad Abuukar Goley.

Safiirka Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas oo hadda Muqdisho ku sugan ayaa sii haye uga dhigay safaaradda Abuukar Goley, taasoo abuurtay qaska weyn ee ka taagan safaaradda, iyadoo uu xaq u lahaa Abuukar Boston sida xilalka ay ku kala magacaaban yihiin ay muujinayaan.

Labada diblomaasi ayaa dagaalkoodu dhaliyay qasaare kooban, waxaana gebi ahaan istaagtay shaqadii safaaradda iyadoo laga war sugayo sida ay xal ugu helaan madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON