Tuesday, July 1, 2025

Galmudug oo Amar ku bixisay in la xiro Odayaal u tegay Alshabaab (Akhriso Magacyada)

Maamulka Galmduug ayaa maray in meeshii lagu arko lagu qabto odayaal Nabaddoono ah oo tegay degaanada Alshabaab, una hoggaansamay Awaamiir ka timid kooxdaasi.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug ayaa lagu sheegay in saddex oday dhaqameed ay tageen degaanada Alshabaab, waxaana looga digay cid kasta oo la macaamisha Alshabaab in sharciga lala tiigsan doono.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

DHUUSAMAREEB, 27-11-2022, Wasaaradda Amniga Gudaha dowladda Galmudug waxa ay xaqiijisay in odayaal dhaqameedka kala ah:-

1- Sugaal Warsame Cali,

2- Caliyare Axmed Xeyle,

3- Cumar Maxamed Jimcaale

ay gaareen deegaannada ay joogaan kooxda Khawaarijta ah, iyaga oo u hoggaansamay awaamiirta iyo dhagarta kooxda argagaxisada ah.

Wasaaradda Amiga Gudaha oo ka duuleysa go’aamadii laga gaaray la dagaalanka argagaxisada, waxay cadeyneysaa in cidkasta oo la shaqeysa ama u hogaansanta khawaarijta ay ku xugun yihiin kooxda argagixisada ah, ee had iyo goor dhibaateynaya Umadda Soommaliyeed.

Sidaa darteed, Waxaa la farayaa dhammaan ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan iyo xoogaga kacdoonka shacabka ka dhiidhiyey hagardaamada Khawaarijta, in ay gacanta ku dhigaan meel kasta oo ay ku arkaan sadexdaas qof ee kor ku xusan si sharciga loo horkeeno.

Wasaaraddu waxa ay bulshada ku dhaqan degaannada Dowladda Galmudug uga digeysaa la macaamilka iyo u hoggaansanka amarka kooxaha Khawaarijta ah ee gabalkoodu dhacay. Dowladda iyo shacabka Galmudug oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaa ka go’an in ay dhulkeeda ka cirib tirto kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON