Iyadoo maamulka degmada Caabudwaaq ay la wareegeen maleeshiyo taabacsan Ahlu suna ayaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey oo shalay ka baxay magaalada Caabudwaaq intii aanu falkaasi dhicin wuxuu VOA-da Laanta Af soomaaliga u sheegay inaysan jirin cid kale oo maamusha degmada Caabudwaaq oo kaliya ay joogaan ciidamada Maamulka degmadaas,wuxuuna ku dooday inay taageersan yihiin Maamulka Galmudug.
Mudane Carabeey ayaa qiray in Ahlu sunna ay la wareegeen degaano u dhexeeya Dhuusamareeb iyo Xeraale, laakiin aysan qabsan Caabudwaaq. Wuxuu ku adkeystay in maamulka uu madaxweyne ku xigeenka ka yahay ee Galmudug uu yahay uu yahay midka sharciga ah ee ka jira Gobolada Gobolada dhexe.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud wuxuu ku fashilmay inuu taageero buuxdo maamukiisa uga helo beeshiisa oo si weyn ugu kala qeybsan labada maamul ee Ahlu sunna iyo Galmudug iyadoo madaxweynaha Galmudug loo diiday inuu booqdo Caabudwaaq.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]