Maamul Goboleedka Galmudug ayaa War-saxaafadeed kulul oo ay maanta soo saartay ku eedeysay maamulka Puntland ee deriska ay yihiin inay taageero dhaqaale iyo hub siiso kooxaha Ahlu suna ee ku kacsan maamulooda, isla markaana qas iyo xasilooni darro ka abuureyso degaanadooda, dagaal sokeeyana ka abaabuleyso degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug.
War-saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa loogu digay maamulka Puntland inay faraha kala baxdo arrimaha Galmudug.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]