Ganacsade caan ka ah dalka Kenya ayaa lagu dilay xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xilliga la dilay ayaa la sheegay inuu u socday hoygiisa isagoo watay gaari uu lahaa.
Dabley aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday gaarigii uu watay ganacsade Jacob Juma agagaarka Lenana School, waxaana gaariga laga helay 10 xabadood oo lagu riday isagoo isla goobtaasi ku geeriyooday, ayna ku baxsadeen mooto dableyda dilka geysatay.
Ganacsadahan ayaa ku lug lahaa dacwooyin iyo is heysad kiisas heshiisyo ganacsi oo dhex maray dowlada Kenya. Booliska Kenya ayaa sheegay inaysan jirin wax laga dhacay ganacsadaha la dilay oo laba Mobile iyo lacag Kaash ah laga helay gaariga lagu dilay.
Wuxuu si joogto ah u eedeyn jiray dowlada Kenya, wuxuuna ku heystay dacwad heshiis ay uga baxday, isagoo ku howlanaa ganacsiga dahab soo saarka.
Goobjooge.com