Ganacsatada Markab Sokor sida, kuna soo xirtay Dekadda Muqdisho oo beenisay War laga faafiyey

Ganacsatada fadhigoodu yahay dalka Kenya oo iska leh Markab Sonkor sida oo kusoo xirtay Dekedda Muqdisho ayaa beenisay warar laga faafiyey oo ku saabsan xaaladda Sokortaasi oo ku saabsan tayo xumo.

Waxay sheegeen Ganacsataddaasi in Markabkooda oo ku xirnaa Dekedda Mombasa ee dalka Kenya u soo weeciyeen Dekedda Muqdisho, kadib, markii ay xamili waayeen Canshuur xad-dhaaf ah oo ay Madaxda dekedda Mombasa ku soo rogeen.

Markabkaasi ayaa sida Shixnad sonkor oo gaareysa 40,000 oo tan, taasi oo ay dabayaaqadii sannadkii hore ka keeneen dalka Imaaraadka Carabta, waxayna sokorta asalkeedu ka timid dalka Brazil.

Ad

Ganacsatada Markabku u raran yahay ee Darasa Investment Limited  ayaa Xarumo Ganacsi oo caan ah ku leh dalka Kenya, gaar ahaan caasimadda Nairobi, waxay leeyihiin Laysimada Ganacsiga ee soo-dejinta iyo dhoofinta Badeecadaha Quutal-daruuriga ee dalkaasi, balse markabkan ayaa laga soo celiyay dekadda Mombasa, kadib markii dacwad ku saabsan sonkortan ay gaartay Maxkamadaha Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

120,969FansLike
799FollowersFollow
2,974FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!