Monday, July 14, 2025

Ganacsatada Muqdisho oo diiday bixinta canshuur kordhin lagu soo rogay Dekadda Muqdisho

Ganacsatada magaalada Muqdisho iyo kuwa rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa si weyn uga biyo diiday bixinta canshuur kordhin ay kusoo rogtay Wasaaradda  Maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inaysan qaadi karin canshuur kordhin hor leh xilligan.

Qoraal ay ganacsatada u direen Wasiirka Maaliyada iyo madaxda sare ee dowladda ayay ku sheegeen in canshuurta la saaray raashinka iyo badeecooyinka kale ee kasoo dega Dekadda Muqdisho aysan la qabin dekadaha kale ee dalka, isla markaana ay dhibaato ku tahay ganacsatada iyo shacabka Muqdisho, ayna abuureyso sicir barar.

Dekadda ayaa maalmihii danbe hakad ku jiraan howlaheeda canshuurta la kordhiyay awgeed, waxaana ganacsatada ay joojiyeen Maraakiib ku soo socotay Muqdisho kadib markii markab ku soo xirtay dekadda lagu qasbay  bixinta canshuurta cusub.

Ganacsatada ayaa ku eedeysay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Ibraahim Fargeeti inuu ka been sheegay kadib markii uu golaha wasiirada u sheegay inuu latashi la sameeyay ganacsatada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON