Thursday, June 26, 2025

Ganacsatada Qaadka Kenya oo Dowladooda la saftay, kuna hanjabay inay Qaadka ka joojinayaan Somaliya

Ganacsatada Qadka ee dalka Kenya ayaa ku hanjabtay inay joojinayaan Qaadka ay Soomaaliya u dhoofiyaan haddii uu sii xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo ku taageeraya dowladooda iyo qaranimadooda.

Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri ayaa sheegay inay  joojin doonaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya haddii uu sii socdo muranka Xuduudka Badda, labada dal oo aya taageeri doonaan dowladooda.

Mr. Munjuri ayuu sheegay in marwalba Soomaaliya Kenya ugu hanjabto joojinta Qaadka, balse ay iyagu ka dhabeynayaan, isla markaana ay joojinayaan hadii aan la xalin khilaafka hadda ka dhexjira labada dowladood.

“Uma dulqaadan karno in Soomaaliya markasta noogu hanjabto joojinta Qaadka aan geyno dalkooda, anagu marna Qaad kuma iibsan karno madax bannaanida dalkeena” ayuu yiri Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya oo sheegya inay garab taagan yihiin dowladood.

Qaad cunayaasha Soomaalida oo aan lahayn afhayeen aya laga sugayaa inay ka jawaabaan warkan oo muujinaya wadaniyadda dadka Kenya oo gar gardarro garab taagan dowladooda oo sheeganeysa xuduud Badeed ay Soomaaliya leedahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON