Monday, June 23, 2025

Gantaallo lagu weerarray Israa’iil iyo Weerarro Yuhuudda ku qaaday Marinka Gaza (Wararkii ugu danbeeyay..)

Xaaladda magaalada Qudus, marinka Gaza iyo degaanada Yuhuudda ayaa kasii dartay saacadihii ugu danbeeyay, kadib xadgudubkii ay ciidamada Yuhuudda kula kaceen dadka muslimiinta ah ee ku cibaadeysanaya Masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, Qudus.

Kooxaha reer Falastiin ee fadhigoodu yahay magaalada Gaza ayaa iyagoo ka jawaabaya xadgudubka ciidamada Yuhuudda ka wadaan Masjidka Al-Aqsaa ayey caawa bilaabeen inay gantaallo ku weerarraan magaalooyinka Israa’iil, waxaana tobanaan Gantaal lagu riday magaalooyinka ku dhow Marinka Gaza, waxaa kaloo gantaaluhu ku dhaceen Galbeedka Qudus.

Diyaaradaha dagaalka ayaa iyaguna weerarray Marinka Gaza, waxaana weli socda weerarrada labada dhinac, iyadoo marinka Gaza ay Yuhuudu ku dishay 9 qof oo ay ku jiraan saddex caruur ah, taliye ciidan.

Ad

Xaaladda ayaa weli kacsan waxaana socda weerarrada gantaallaha kooxaha Falastiin ku qaadayaan magaalooyinka Israa’iil iyo weerarrada duqeynta ah ee diyaaradaha dagaalka Yuhuudda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON