Monday, July 7, 2025

Garoon diyaaradeed cusub oo lag dhisayo duleedka Magaalada Muqdisho

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya Cali Jaamac Jangali ayaa shaaciyay mashruuc cusub oo lagu dhisayo  Garoon Diyaaradeed cusub oo aad u weyn in laga dhiso Muqdisho, isagoo sheegay in garoonka Aadan Cabdulle Osman uu sii yaraanayo.

jangeli

Dhismaha Garoonka cusub ayuu sheegay Wasiir Jangeli inay gacan ka siin doonto dowladda Shiinaha ayna jiraan mashaariic waaweyn oo dalka Soomaaliya laga hirgelin doono. Hore waxaa u jiray qorsheyaal ku saabsan in Garoon diyaaradeed iyo Dekad weyn laga dhiso duleedka Muqdisho.

Dowladaha Shiinaha iyo Turkiga ayaa ku lug leh mashaariicda waaweyn ee la filayo in laga hirgeliyo Soomaaliya, waxaana weli taagan cabsida laga qabo xaalada ammaanka Soomaaliya inay dib u dhac ku keento fulinta mashaariicda waaweyn.

Wasiir Jangeli ayaa arrintan ka sheegay munaasabad  Safiirka Shiinaha  u jooga dalka Soomaaliya Weyn Hongton uu deeq qalab xafiiseed ah ugu wareejiyay Wasaarada Gaadiidka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON