XULASHADA JIMCAHA: Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xamad kuna yaala magaalada Doxa ee dalka Qatar (Hamad International Airport) ayaa markii ugu horeysay soo galay 10 garoon diyaaradeed ee ugu wanaagsan Caalamka oo dhan, waana markii ugu horeysay ee garoon ku yaala Bariga dhexe uu gaaro heerkaasi.
Garoonka Xamad oo hore u ahaa kan ugu wanaagsan Bariga Dhexe oo sanadkii labaad uu heerkaas taagan yahay, wuxuu hadda galay kaalinta 10-aad ee garoomada caalamka oo dhan, waxaana sidaa ku dhawaaqay shirkadda Skytrax oo dadka safra ka ururisa u codeynta garoomada caalamka, waxaana lagu soo bandhigay magaalada Cologne ee dalka Jarmalka, waxayna dadka safra u doorteen inuu yahay garoonka ugu fiican adeegyada loo sameeyo dadka safraya.
Garoonka Hamad International Airport waxaa la furay sanadkii 2014, wuxuuna isla sanadkaasi galay, kaalinta 75-aad sanadkii xigayna wuxuu yimid kaalinta 22-aad, iyadoo haddana uu soo gaaray kaalinta 10-aad.
Liiska toban garoon diyaaradeed ee caalamka ugu wanaagsan waxay kala yihiin:
1. Singapore Changi Airport
2. Incheon International Airport (South Korea)
3. Munich Airport (Germany)
4. Tokyo International Airport Haneda
5. Hong Kong International Airport
6. Chubu Centrair International Airport (Nagoya, Japan)
7. Zurich Airport (Switzerland)
8. London Heathrow Airport
9. Kansai International Airport (Osaka, Japan)
10. Hamad International Airport (Doha, Qatar)
Saddexda Garoon ee ugu horeeya caalamka ka daawo hoos:
- Changi Airport- Singapore
2. Incheon International -South Korea’s
3. Munich Airport- Germany
HADDABA GAROONKA HAMAD INTERNATIONAL AIRPORT HADDII AAN EEGNO, wuxuu heerkan ku gaaray isagoo 3 sano jira, waa sida loo dhisay iyadoo dhismihiisa ay fuliyeen 50,000 shaqaale oo calaamka oo dhan laga keenay, waxaana lagu tilmaamay mashruucii ugu weynaa ee Bariga dhexe laga fuliyo.
Garoonka Xamad wuxuu dhul ahaan ku fadhiyaa 28 KM oo isku wareeg ah, wuxuu leeyahay laba dhabe oo diyaaraduhu ku cararaan oo kala fog 2M fogaan ah, taasoo u suuragelineysa inay hal mar wada shaqeeyaan. wuxuuna sanadkii awood u leeyahay inuu qaado 50 milyan ruux oo ku safri karta, waxayna taasi dalka Qatar siineysaa awood uu ku marti geliyo Koobka Kubadda Cagta Adduunka sanadka 2020 dalkaasi loo asteeyay in lagu qabto.
DAAWO VIDEO QAABKA LOO DHISAY GAROONKA
https://youtu.be/W9d27HZ4ovE
DAAWO GUDAHA GAROONKA IYO ADEEGYADIISA
DAAWO SAWIRRADA HAMAD INTERNATIONAL AIRPORT

GOOBJOOGE.COM