Garoonka weyn ee kubadda cagta ee (ISKA JOOG STADIUM) oo ku yaala magaalada Al-Qaxar xaafadda ABUU TACBAAN, waxaa ka jiray galabta ciyaar kubadda cagta ah oo ay iskaga hor imaanayaan shanta koox ee horyaalka iskugu soo hartay, oo isku mar garoonkan ku wada ciyaari doona, ciyaartu waxey leedahay sharciyo u gaar ah.
Dadka u soo daawasho tegaya waa In ay dhammaantood indhoolayaal yihiin, garoonka waxaa ku xiran cod baahiye weyn (Meykarafoon) oo dhageystayaasha garoonka soo galay lagula socodsiiyo hadba meesha ay ciyaartu mareyso, garoonku ma laha shabaqa goolasha, ee waa inaad kubadda ka bixiso bartamaha oo ay u gudubto meel ka mid ah halka ay fadhiyaan dadka soo galay ee dhageeysta yaasha ah (tareebuunka), kubaduna ku dul dhacda mid ka mid ah ka qeybgalayaasha ciyaarta.
Lama xisaabiyo goolashaas la dhaliyo, lamana tixgeliyo dhaliyaha, difaacaha iyo hujuumka, ciyaartooydu ma laha Unifoom, waxeyse leeyihiln hal lambar oo ah 1, ma jiraan calaamado jaalle ama gaduud ah.
ciyaartooyga qaldama lama canaanto, kan asluubta wanaagsanna lama amaani karo, ma jiro mushaar ama abaal marin gaar ah, waxaa kallya ee la bixiyo waa iska tag haddii aad daasho, laakin waxaa jira koob aan la aqoon waxa uu ka sameeysan yahay oo la siiyo ciyaartooyda oo dhan inta aan ciyaartu bilaaban bacdamaa aan la aqoon cidda ku guuleeysan doonta , bacdamaa ayna laheyn dhamaad oo ciyaartooy kastaa markuu daalo uu isaga tago, markuu doonana uu dib u soo noqdo. …Hadaad indhaleedahay ha ku lug go’in laguuma ogola in aad gasho…. Haddaba isweydiintu waxey tahay ciyaartaa ma wada fahamnay, magaalada iyo Garoonka ?.
Qore : Yahya Amir.