Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga xusay sanadguuradii labaad ee qaraxii 14-ka Oktoobar ee dadka badan lagu laayey, waxaana munaasabad ka dhacday goobta uu qaraxu ka dhacay boqolaal qof ku hoobteen kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo dadweyne boqolaal ah.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaan ka qeyb gelin munaasabadda, laakiin waxaa goobta lagu soo bandhigay Laba Gaari oo ay ku xardhan yihiin sawirrada Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana sawirrada ay ahaayeen kuwo muujinaya labada mas’uul oo dhiig u shubaya dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soope.
Xuskii hore ee sanadguuradii koowaad waxaa ka qeyb galay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo xuska labaad ee qaraxii Soope ay uga baaqsadeen arrimo amni dartood, inkastoo la xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

