Wednesday, June 25, 2025

G/Dhexe Cukaash oo dembi lagu waayay..!!…. Miyaa la is weydiiyay sababtii uu ku xirnaa ku dhowaad 6 bilood…?

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta amartay in la sii daayo Gaashaanle dhexe Cusmaan Cilmi Guure (Cukaash) kadib markii la hor keenay Maxkamada, wuxuuna sarkaalkan   xirnaa 6 Bilood ah oo 10-cisho dhiman, isagoo ku jiray  Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Cukaash

Maxkamadu waxay sheegtay in  denbiyadii lagu soo eedeyay lagu waayay Cusmaan Cukaash, kadibna waxay amartay in lasii daayo oo xoriyadiisii loo celiyo. Xariga  Cukaash ayaa wararku sheegeen inuu bixiyay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) kadib markii uu tiriyay gabay uu kaga hadlayay dhibaatada Ciidanka Xoogga heysata oo ahaa gabay aad u kulul oo uu ku weeraray taliye Indha-qarshe, Gabayga fariin qaran ka dhageyso halkan.

[ad name=”HTML-2″]

Waxaa wax lala yaabo ah in lix bilood kadib ay soo baxdo ama la ogaado inuusan dembi lahayn sarkaal ciidan…! Tani waxay caddeyn u tahay in nidaamka dalku qasan yahay oo ay ka jirto ku takrifal awoodeed oo baahsan. Korneylka wuxuu xaq u leeyahay inuu magdhow  dalbado maadaama uu qof u xirnaa mas’uuliyad haya, waxaa ka habooneyd in cafis lagu sii daayo, laakiin waxaa cad in dad badan oo sarkaalkan ka tabar yar ay sidaas oo kale sanado ugu jiraan xabsiga tiiyoo aan laga warheyn sida uu dhowaan sheegay xeer ilaaliyaha guud.

Nasiib darrada intaas la eg waxay ka dhaceysaa dowlad ay ahayd inay cadaaaad dalka ku soo celiso oo laga rajo qabay inay shacabka ka ilaaliso tacadiyada, una xaq soorto dadka ay talada u heyso.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON