Wednesday, June 25, 2025

Geerida Weriye Cawke: Taariikhdiisii iyo barnaamijkii ugu danbeeyay ee uu sameeyay

Allaha u naxariistee waxaa xalay goor danbe ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee ismaamulka Soomaalida weriyihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed  Axmed Xasan Cawke.

Geerida Weriye Axmed Xasan Cawke waxaa xaqiijisay walaashiis  Canab Xasan Cawke oo sheegtay Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telefoonka oo uu u sheegay inuu aad u xanuunsanayo, kadibna loo soo xaqiijiyay in uu geeriyooday.

Taarrikhda Weriye Axmed Xasan Cawke oo kooban:

  1. Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

    1. Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii somaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii dowladii Soomaaliya.
    2. Weriye Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996.
    3. Wuxuu kasoo shaqeeyay laanta Afka soomaliga ee VOA-da
    4. Wuxuu kaloo mudd ka shaqeeyay Telifishanada Universal, HCTV,
    5. Wuxuu hadda la shaqeynayay Telifishanka Somaliland National TV.

Weriye Axmed Xasan Cawke waxaa la filayaa in meydkiisa  maanta la keeno magaalada Hargeysa ee Somaliland oo lagu aasi doono

Inaa lilaahi waa inaa ileyhi Raajicuun

HOOS KA DAAWO BARNAAMIJKII UGU DAMBEEYAY EE WERIYE CAWKE DIYAARIYAY

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON