Friday, June 27, 2025

Gen. Diini oo reer Caadbudwaaq ka dhaadhicinaya taageerada Galmudug

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini  iyo xildhibano ka tirsan Galmudug oo ka soo jeeda degaanka Waqooyiga Galgaduud ayaa xalay tegay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo xiisad weyn ka taagneyd kadib markii iska hor imaadyo dhex mareen maleeshiyooyin degaanka ah oo kala taabacsan Ahlu suna iyo Galmudug.

Gen. Diini

Wasiirka oo xiriir fiican la leh kooxda Ahlu suna kana soo jeed degaankaasi ayaa isla xalay kulamo la qaatay dhinacyada isku haya magaalada iyo kooxda Ahlu suna oo Caabudwaaq la wareegtay wuxuuna kala hadlay sidii xiisada colaadeed loo yareyn lahaa.

Wasiir Diini ayaa sidoo kale maanta kulamo la yeelanaya Odayaasha iyo waxgaradka degaanka, waxayna wararku sheegayaan in dadaalka wasiirku la xiriiro sidii degaanada Waqooyiga Mudug looga ilaalin lahaa xiisad colaadeed, isla markaana loo taageeri lahaa maamulka Galmudug.

Odayaasha degaanka oo qeyb ka ah dhibaatada ka taagan degmada kadib markii ay taageereen kooxda Ahlu suna ayaa rajo ka muujiyay in xal loo helo dhibaatada ka taagan waqooyiga Galgaduud.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON