Gen. Maxamed Nuur Galaal oo qorshe dib u heshiisin ah ka dhex waday maamullada Galmudug iyo Ahlu suna ayaa cambaareeyay ciidamada raacsan Galmudug ee saaka la wareegay degaanka Mareergur.
Janaraal Galaal oo gacansaar la leh Ahlu suna ayaa sheegay in ciidamo saaka qabsaday degaanka Mareergur aysan ka amar qaadan Madaxweyne Xaaf, isla markaana ay yihiin haraadigii Damuljadiid.
Jen. Galaal oo wareysi siiyay BBC-da ayaa faahfaahiyay qorshe la isku raacay mabda’ ahaan oo ku saabsan in la mideeyo maamulada Ahlu suna iyo Galmudug, wuxuuna sheegay in labada madaxweyne ee Galmudug iyo Ahlu suna ay wadajir u mari doonaan dhulka ay kala maamulaan sida Cadaado iyo Dhuusamareeb.