Odayaasha beelaha ay kasoo kala jeedaan gabdhihii dhowaan lagu kufsaday degmada Goldogob ee Gobolka Mudug ayaa go’aano ka soo saaray kiiskaasi.
Xaalada kiiskaasi ayaa noqday mid ku faafay baraha bulshada iyadoo si weyn loo cambaareeyay, waxaana odayaasha labada dhinac oo u fadhiyay xalka arrintan ay soo saareen qodobo ay ku heshiiyeen in kiiskan lagu dhammeeyo.
Qodobada la iska gaaray waxay kala yihiin:
Ad
- In Xukunka Alle lagu fuliyo dhalinyaradii falka kufsiga geysatay.
- In maamulka dowlad Goboleedka Puntland goobjoog ka nqodaan Goobta Xukunka ka dhacayo.
- In Mag la siiyo mid ka mida Qoyska wiilasha falka geystay oo xilligii las oo qabanayay dhaawac loo geystay.
- In Maamulka Degmada diyaariyo goobta xukunka lagu fulinayo.
Goobjooge.com
Warar Xul ah